Wararka naga soo gaaraya degmada Walla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in fiidnimadii caawa Qarax culus lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa Saldhiga degmadaas.
Qaraxa oo ahaa nooca gacmaha laga tuuro ee Bambaanooyinka ayaa sababay in dhaawac halis ah uu soo gaaro 3 Askari oo katirsan ciidamada dowladda ee la weeraray.
Dhaawacyada Askarta oo ah kuwa halis ah ayna suuragal tahay in dhawaan ay geeriyoodaan ayaa lagu dabiibayaa gudaha degmada Walla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Qaraxa kadib waxaa bandow lagu soo rogay guud ahaan degmada Walla-weyn, mana jirto wax dhaq-dhaqaaq ah oo ka jira magaalada.
Ciidamada dowladda ayaa laga dareemayaa qal-qal xoogan, waxayna fahmi la’yihiin halka laga soo weeraray.