HomeAll news11 Askari oo Maraykan ah Oo ku dhintay Burubr diyaaradeed oo ka...

11 Askari oo Maraykan ah Oo ku dhintay Burubr diyaaradeed oo ka dhacay dalka Filibbiin.

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarad dagaal oo ay leeyihiin milliteriga Maraykanka ay ku burburtay badda dalka Filibiin.

Diyaaradda waxaa saarnaa ugu yaraan 11 Askari, waxaana lasoo sheegayaa in dhamaantooda ay dhinteen.

Diyaaradda burburtay waxay dooneysay iney ku degto markab weyn oo kamid ah kuwa diyaaradaha xambaara oo ku sugnaa badda dalka Filibiin.

Telefeshinka CNN ee Maraykanka oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay iney socodaan baaritaanno lagu doonayo in lagu badbaadiyo haddii ay jiraan ciidamo nool.

Saraakiisha Maraykanka waxay meesha ka saareen in diyaaradan soo dhicitaankeeda ay sabab ku lahaayeen falal milliteri, balse waxay sheegeen iney usoo dhacday qaab dabiici ah iyo qalad ka yimid dhanka duuliyaha Diyaaradda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular