HomeAll newsMaamulka Yahuudda Oo sheegay in xiriir wanaagsan uu la leeyahay dowlado badan ...

Maamulka Yahuudda Oo sheegay in xiriir wanaagsan uu la leeyahay dowlado badan  oo Carbeed.

Wasiirka Tamarta maamulka Yahuudda ninka lagu magacaabo Yofaal ayaa sheegay in maamulka Yahuuda uu xiriir wanaagsan la leeyahay dowlado badan oo carbeed oo uu ku jiro maamulka Aala-Sucuud.

Waraysi uu wasiirkan siiyay Idaacadda ku hadasha afka ciidanka Yahuudda ayuu ku sheegay in dowlado badan oo carbeed ay Yahuuda la leeyihiin xiriir wanaagsan, iyo wadashaqeyn toos ah, isagoona intaa ku daray in dowladahaas Carbeed ee Aala-Sucuud ay ku jiraan aysan jecleyn in xiririirka ay la leeyihiin Yahuudda la  ogaado, iyaguna ay arintaas ku ixtiraameen.

Wuxuu sheegay in Yahuuda aysan wax dhib ah u arkin in la shaaciyo cilaaqadaas jirta, balse wuxuu sheegay in saaxibadoodu ay culees u arkaan, iyaguna ay la qaateen in la qariyo.

Maamulka Aala-Sucuud ayuu ku tilmaamay inuu yahay maamul wanaagsan oo dhex-dhexaad ah, islamarkaana kaalin wanaagsan ka qaatay la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.

Hadalka wasiirkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan taliyaha ciidamada Yahuudda oo waraysi siiyay warbaahin ku taalla dhulka Xarameynka uu sheegay in Yahuudda ay kala shaqeyneyso Aala-Sucuud ka hortaga awooda sii baaheysa ee dowladda Iiraan.

Mas’uuliyiin farabadan oo katirsan Aala-Sucuud ayaa booqasho sir ah waxay ku tageen dhulka Yahuuda xooga ku heysato, waxaana dadkaas kamid ah dhaxalsugaha koowaad ee Aala-Sucuud ahna wasiirka gaashandhiga maamulkaas.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular