HomeAll newsHowlgal Gaar ah Oo Lagu beegsaday Ciidamada Xasilinta Oo Goordhow Muqdisho Ka...

Howlgal Gaar ah Oo Lagu beegsaday Ciidamada Xasilinta Oo Goordhow Muqdisho Ka dhacay.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah waxay ku beegsadeen ciidamo katirsan kuwa lagu magacaabo Xasilinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si gaar ah u tababaran ayaa weerar ku qaaday malleeshiyaadkan oo ku sugnaa xaafadda Xamar Jadiid ee degamada Wardhiigley magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 3 Askari oo katirsan Xasilinta ayaa la dilay, halka la dhaawacay saddex kale, waxaana goobta howlgalka kadib ka tagay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan oo dhacay caawa ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular