HomeAll newsRa'iisul Wasaarihii Lubnaan ee Is Casilay Oo Faransiiska Gaaray.

Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan ee Is Casilay Oo Faransiiska Gaaray.

Waxaa dalka Faransiiska gaaray Sacad Al-Xariiri Ra’iisul wasaarihii si iskiisa ah isaga casilay xilkii uu ka hayay dalka Lubnaan, kadib markii la sheegay in cadaadis uu uga yimid dhanka maamulka Aala-Sucuud.

Sacad Al-Xariiri oo uu wehliyo wasiirka arimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ka duulay magaalada Riyaad, iyagoona gaaray caasimadda dalka Faransiiska ee Paaris, halkaas oo lagu soo dhaweeyey.

Sacad ayaa codsi booqasho ah wuxuu ka helay madaxweynaha Faransiiska, waxaana labada masuul kawada hadli doonaan arimo la xiriira xiisada ka taagan dalka Lubnaan.

Sacad Al-Xariiri ayaa bartiisa Twitterka wuxuu kusoo qoray ineysan jirin cid ka mamnuucday inuu ka baxo dhulka Xarameynka, waxaana uu sheegay in maalmo ama todobaadyo kadib uu ku laaban doono dalka Lubnaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular