HomeAll newsXarakada Jihaadiga ee Dhaalinbaan oo Askar Maraykan ah ku dishey Afqaanistaan.

Xarakada Jihaadiga ee Dhaalinbaan oo Askar Maraykan ah ku dishey Afqaanistaan.

Dagaallo ka dhacay dalka Afqaanistaan ee muslimka ah waxaa lagu dilay Askar katirsan Shisheeyaha gumeysi doonka ah ee duulaanka ku jooga dalkaas.

Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan waxay sheegayaan in dagaal culus oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Zeerkoow oo hoosyimaada gobolka Haraat lagu dilay 4 Askari oo katirsan ciidamada Maraykanka.

Deegaanka waxaa ka dhacay dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, waxaana halkaas ka dhashey khasaarahan baaxada leh ee gaaray Maraykanka.

Dhiigbaxa joogtada ah eek u socoda ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga Afqaanistaan ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana Imaarada Islaamiga ay ku hanjabtay in Afqaanistaan ay ka dhigi doonot qubuuraha Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular