HomeAll newsWeerar Dad ay ku dhintee Oo Ka dhacay dalka Maraykanka.

Weerar Dad ay ku dhintee Oo Ka dhacay dalka Maraykanka.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, weerar ayaa lagu qaaday goob waxbarasho oo ku taalla wuqooyiga gobolka California ee wadanka Maraykanka.

Qof hubeysan ayaa weeraray Iskuul lagu magacaabo Raansho oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Coronig, isagoona halkaas ku dilay tiro kamid ah Ardayda Iskuulka dhiganeysay.

Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhimatay weerarkan, iyadoona ugu dambeyntii la dilay ruuxa weerarka soo qaaday.

Booliiska waxay ka gaabsadeen iney faafaahin ka bixiyaan nooca uu ahaa weerarkan, iyo waxa ku riixayay fuliyaha Weerarka inuu qaado howlgalkan.

Qaar kamid ah Ardeyda ayaa intii uu dagaalka u dhexeeya Booliiska iyo Ruuxa  Weerarka soo qaaday waxay kasoo baxsadeen dhismaha, iyagoona soo gaaray goobo aamin ah oo Booliisku joogeen.

Weerarada ayaa kusoo badanaya dalka Maraykanka, dhawaan ayay ahayd markii Askri horey uga tirsanaa Ciidamada Maraykanka uu 26 Ruux ku dilay kaniisad ku taalla gobolka Texas ee wadankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular