HomeAll newsQarax Culus Oo Ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Qarax Culus Oo Ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Jugta Qarax culus oo aad loo maqlay ayaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka oo ku sugnaa nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa haleelay oo qabsaday ciidamo katirsan Sirdoonka dowladda gaar ahaan kuwa loogu magac daray Xasilinta Muqdisho, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Qaraxa kadib waxaa hakad uu ku yimid isku socodka dadka, waxaana ciidamada dowladda ay goobta ka qaadeen meydad iyo dhaawacyo.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay weli bandow yihiin, kadib markii Taliska Shisheeyaha AMISOM uu sheegay iney jirto baqadin laga qabo weeraro waaweyn oo ka yimaada dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular