HomeAll newsDhul Gariir Inkabadan 100 Ruux dilay Oo ku dhuftay dalalka Ciraaq iyo...

Dhul Gariir Inkabadan 100 Ruux dilay Oo ku dhuftay dalalka Ciraaq iyo Iiraan.

Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.3 Darajo ayaa ku dhuftay deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Ciraaq iyo Iiraan.

Dhulgariiirka oo asalkiisa kasoo billowday dalka Ciraaq ayaa gaaray gudaha dalka Iiraan, wuxuuna sababay dhimashada inkabadan 100 Ruux iyo dhaawaca tira kale.

Magaalada Sarab Al-Dahab oo 15KM ka fog xuduuda Ciraaq kuna taalla gudaha  Iiraan ayaa waxaa ku dhintay dad farabadan oo Iiraaniyiin ah, waxaana telefeshinka Iirana uusoo gudbinaya muuqaallada goobaha uu dhul gariirku ku dhuftay.

Hay’adda qaabilsan arimaha dhulgariirka iyo musiibooyinka ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa xaqiijisay in dhulgariirka uu kasoo billowday magaalo lagu magacaabo Xalbaja, uuna kusii fiday illaa iyo gudaha Iiraan.

160 Ruux ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashadooda, halka inkabadan 1000 Ruuxna ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana weli socoda baaritaanno lagu raadinayo dad meydad ah.

Dhulgariirkan oo socoday dhowr daqiiqo ayaa sababay in korontada la isticmaalayay ay go’do, taas oo sii badisay dhibaatada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular