Faafaahin dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerar dhabagal ah oo maalintii shalay ciidamo katirsan Booliiska Kenya loogu dhigay duleedka magaalada Mandheera oo kamid ah dhulka NFD ee Kenya xooga ay ku heysato.
Warbaahinta Kenya ayaa maanta aad u hadal haya khasaara lixaad leh oo ciidamadooda ku gaaray dagaal ka dhacay inta u dhexeysa Mandheera iyo Dabisati, kaas oo dhexmaray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Booliiska Kenya.
Ugu yaraan 12 Askari ayaa saraakiil katirsan Kenya qirteen in dagaalkaas looga dilay, kuwaas oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka Kenya, waxaana ay sheegeen in dhanka kale laga gubay labo Gaari oo nooca dagaalka ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dhankeeda sheegtay in inkabadan 15 Askari ay ku dileen Kamiinkaas, kuna furteen hub iyo Agab milliteri.
Shacabka Kenya ayaa aad u hadal haya weerarkan oo mar kale banaanka soo dhigaya habacsanaanta ciidamada Amaanka Kenya iyo sida Mujaahidiinta uug jilba fidsanayaan dhulka Muslimiintu leeyihiin ee Kenya xooga ku heysato.
Ciidamada Kenya ayaa si isku mid ah waxaa loogu dhiig bixinayaa gudaha Soomaaliya oo ay duulaan ku joogaan iyo gudaha dhulka ay xooga ku heysato ee Muslimiintu leeyihiin.
Mana garatay waataad doraad guluf ahaydeene
Waataad gafiyo qooq kutimid Gediyo Waamoode
Waatay gumaysigi cadaa gacan ku siiyeene
Galin baa tirtiri waayadaad koon kan galiseene
Gool kuma ad dhalisaan waxaad galalafay saane
Gumaysiga rag wiiqaa kiciyo geesi ciil qabaye
Gaashaan dhig baan yeelaniyo geesh an qaahayne
Guuloow adaa quwad lehee gaalka jabi maanta