Qof kaxeynayay gaari weyn ayaa jiiray dad Ameerikaan ah oo ku sugnaa xaafadda Manhaatan ee magaalada Newyork ee wadanka Maraykanka.
Gaariga oo ahaa mid weyn, wuxuu dadka ku jiiray taallo ku taalla xaafadda Manhaatan oo loo dhisay in lagu soo xusuusto dadkii ku dhintay weeraradii waaweynaa ee 11 Sepetembar.
Darawalka Gaariga wax jiiray ayaa markii uu dad badan jiirsiiyay kadib, wuxuu kasoo degay Gaariga isagoona billaabay inuu rasaaseeyo dad iyo ciidamo goobta ku sugnaa.
Saraakiil katirsan booliiska magaalada Newyork waxay weerarkan ku tilmaameen inuu yahay mid “Argagaxiso”, waxaana ereygan ay ku tilmaamaan marka weerarada ay fuliyaan dad Muslimiin ah.
Booliisku wuxuu sheegay in xilligan aysan sheegeynin magaca Ruuxa fuliyay weerarka, oo ay sheegeen iney gacanta ku hayaan.
Ugu yaraan 8 Ruux ayaa dhimatay, halka 12 kalena ay dhaawacmeen, waxaa jira dhaawacyo halis ah, iyadoona mar weliba ay suuragal tahay in dhimashadu ay sii kororto.