HomeAll newsDiyaaradaha Khaliifa Xaftar Oo Dad Shacab ah Ku laayay magaalada Darna ee...

Diyaaradaha Khaliifa Xaftar Oo Dad Shacab ah Ku laayay magaalada Darna ee wadanka Liibiya.

Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaal ooge Khaliifa Xaftar ay duqeymo cadowtooyo ka geysteen magaalada Darna oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn ee wadankaas.

Xaafadaha kala duwan ee magaalada Darna ayaa duqeymo la kulmay, waxaana duqeymuhu si indha la’aan ah u beegsanayeen guryaha dadka shacabka ah ay deganyihiin.

Deegaanka Al-Fataa’ix ee bariga magaalada Darna ayaa kamid ah meelaha ay duqeymuhu xoogooda ka dheceen, waxaan duqey lagu garaacay guri ay degnaayeen dad shacab ah ku dhintay 14 Ruux, iyadoona inkabadan 20 qof ay dhaawacmeen.

Deegaanka Al-Ardaam ee koonfurta magaalada Darna ayaa kamid ah meelaha ay duqeymuhu ka dheceen, halkaas oo caruur da’yar ay ku dhinteen.

Arinta xanuunka badan waxay ahayd in diyaaradaha dagaal Ooge Khaliifa Xaftar markii ay duqeynta ka fuliyeen deegaanka Al-fataa’ix, islamarkaan dadka xaafadda ay damceen iney u gurmadaan dadka waxyeelladu gaartay, ay diyaaraduhu mar kale duqeyn labaad ku garaaceen isla goobtii hore, taas oo sare u qaaday tirada dhimashada.

Khaliifa Xaftar oo ah dagaal Ooge taageero ka helaya Maraykanka iyo dowlado farabadan oo Carab iyo cajam ka kooban ayaana u aaba yeeleynin daadinta dhiiga Muslimiinta, wuxuna sidaas ku doonayaa inuu ku noqdo hogaamiyaha dalka Liibiya.

Dhawaan waxaa deegaan lagu magacaabo Al-Abyaar oo ay ka taliyaan malleeshiyaadka Xaftar lagu arkay qubuur wadareed lagu aasay dad gaaraya 36 ruux, waxaana dadkan ay ahaayeen kuwa gacmaha ka xiran, iyadoona falkan foosha xun hay’adaha maxalligu ku eedayeen Khaliifa Xaftar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular