War deg deg ah oo kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Shisheeyaha ay goordhow ka guureen deegaan muhiim ah oo dhaca duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose oo la yiraahdo Rasdaay.
Degaanka wuxuu aad ugu dhow yahay tuulada Roobow, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Yugaandha ay gabi ahaanba isaga tageen halkaas iyagoo afka saaray deegaanka Marin Gubaay oo xiga dhanka deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dadka Deegaanka Rasdaay ayaa farxad ballaaran ka muujiyay guuritaanka Ciidamada Shisheeyaha , waxaana ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay ku qabeen oo ay kamid tahay iyagoo xoolahooda ka hortaagnaa iney daaqaan howdka deegaanka.
Ka bixitaanka Ciidamada Shisheeyaha ee deegaankan wuxuu imaanayaa iyadoo dhowr jeer ay la kulmeen weeraro cagta lagu mariyay difaacyo ay lahaayeen, waxaana macquul ah in ka bixitaankooda uu salka ku hayo cabsi ay ka qabaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.