
Siisi ayaa kulan uu la yeeshay xubno katirsan dowladiisa kadib, wuxuu go’aan ku gaaray inuu xilka ka qaado Taliyihii guud ee ciidamada Masaarida, iyadoona taliye cusub la magacaabay.
Taliyaha Jagada hogaaminta ciidamada Masaarida loo magacaabay waxaa lagu magacaabaa Muxamed Fariid Xijaazi, waxaana sarkaalka jagada laga casilay lagu magacaabaa Maxamuud XIJaazi.
Sidoo kale Saraakiil katirsan wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Siisi ayaa xilalka laga qaaday, waxaana kamid ah taliyihii sirdonka magaalada Al-Jiiza.
Tallaabada saraakiishan xilalka looga qaaday waxay timid isbuuc kadib markii weerar ka dhacay Al-Waaxaat ee Masar lagu dilay inakbadan 50 Askari oo katirsan Booliiska Afgembiga Siisi.