Madaxweynaha DF Maxamad C/llhi Farmaajo ayaa xalay mar dambe soo saaray qoraal kooban oo uu ugu tacsiyeeyay dadkii dowladdiisa looga dilay weerarkii cuslaa ee lagu qaaday hotel Naasa Hablood (2) oo uu milkiyaddiisa leeyahay wasiirka Amniga Maxamad Abuukar Islow.
Tacsida Farmaajo waxaa laga dareemayay niyad jab iyo inuusan daneeneyn dadkii looga dilay weerarka, waxaana taas tusaale u ah tacsidii uu horraantii bishan u diray madaxweynaha Mareykanka Donel Taramp saacad iyo bar kadib weerarkii Las Vegas.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay la wadaagayaan Xanuunka soo gaaray Qoysaska iyo Saaxiibada ku wax noqday Weerarkii Fulay nimada ahaa ee lagu qaaday dadkii ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Las Vagas ee dalka Mareykanka”ayuu war saxaafadeedkaasi ku yiri Farmaajo, laakin kan xalay ee naasa habool wuxuu ku yiri: “Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah”
Halkaas waxaa laga dheehan karayaa in madaxweynuhu uu u damqan ogyahay Mareykanka maadaama uu yahay muwaadin heysta dhalashada wadankaas. Waxa kale oo tusaale ah in uu tacsidii Las Vegas diray saacad iyo bar kadib weerarka, halka Naasa hablood uu ka tacsiyeeyay lix saac kadib xilli waliba dadka intiisa badan hurdayo.
Madaxda DF oo sheegi jiray in ay ku shaqeynayaan isla xisaabtan iyo is hufid ayaa illaa iyo hadda ka gaabsanaya cidda qaadanaysa mas’uuliyadda weerarkan oo ka dhacay meel dhowr tallaabo u jirta xarunta madaxtooyada.
Wasiirka amniga ayaa 01-10-2017, xilkii ka qaaday taliyihii sirdoonka ee degmada Xamar weyne kadib markii dharaar cad gudaha degmadaasi lagu dilay xoghayihii ururka haweenka ee dowladda iyo ninkii darawalka ka ahaa gaariga ay saarnayd kaasoo ay dhashay gudoomiyaha ururka haweenka Batuulo Sh/Axmad Gaballe.
Isla xisaabtan uu sameeyo wasiirka ayaa waxaa u dambeeyay dhacdadaas, isagoo aanan cidna xilka uga qaadin dhacdooyinkii ka dambeeyay, waxaana xildhibaan Mahad Salaad uu u sababeeyeen in dhacdadii Xamar weyne ay si gaar ah u taabanaysay wasiirka amniga maadaama ninka darawalka u ahaa Canab uu isagu abti ugu aadanaa.
Illaa iyo hadda lama oga tallaabada ay DF ka qaadi doonto wasiirka amniga iyo saraakiishiisa oo ku fashilmay ammaanka, illaa heer ay arrintu gaartay in la galo hotelkii ugu ilaalada badnaa oo uu leeyahay wasiirka amniga.
Weerarka hotel Naasa hablood (2) ayaa sidoo kale siyaasiyan u dhaawacaya DF, oo dooneysay in ay magaalada Muqdisho kula shirto madaxda maamul goboleedyada.
Sidoo kale waxa uu weerarkan bannaanka soo dhigay ineysan ammaanka sugi karin ciidamada loogu magac daray Xasilinta iyo dhagxaanta faraha badan ee lagu gedaamay hoteelada ay degaan madaxda iyo saraakiisha DF.
Si kastaba ha ahaato’e waxay dhacdadan kusoo aaday iyadoo uu maalintii shalay wargeyska New York time baahiyay qormo uu taliyaha nabad sugidda ugu cabanayay hey’adaha sirdoonka ee reer galbeedka, kaasoo si cad u sheegay ineysan lahayn khibrad iyo aqoon ay kula tacaamulaan weerarada iyo qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.