HomeAll newsXillibaan Hore Oo Kamid Noqday Dadka Ku dhintay howlgalka ka socoda Naashablood...

Xillibaan Hore Oo Kamid Noqday Dadka Ku dhintay howlgalka ka socoda Naashablood 2.

Marba marka ka dambeysa waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashey howlgalka illaa iyo hadda ka socoda hotel Naashablood 2 oo u dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Naasir Gaarane oo horay uga soo mid noqday  baarlamaanka dowladda ayaa la xaqiijiyay inuu kamid noqday dad gaaraya Tobanana Ruux oo ku dhintay howlgalka weli ka soconaya Hotel Naashablood 2.

Gaarane ayaa Xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya ee ay Shisheeyuhu dhiseen.

Saraaakiil farabadan oo qaabilsan Sirdoonka iyo Booliiska ayaa kamid ah dadka ku dhintay howlgalkan, waxaana ka mid ah Maxamed Yuusuf oo ah Taliyihii Booliiska degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular