Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda Camaliyadda Nafhurnimada iyo Inqimaasiyada is wada raacay ee casir liiqii maanta lagu weeraray hotel Naashablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Xarakadu waxay xaqiijisay in Askar katirsan ciidamadeeda ay ka dhex dagaalamayana gudaha hotel Naashablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Sawirro horudhac ah oo Internetka lasoo geliyay waxay muujinayaan burbur xoog leh oo ka dhashey goobta, waxaana hotelka qeybtiisa hore laga soo bixinayaa maydad iyo dhaawacyada xubno katirsan dowladda.
Weli lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey howlgalkan ka socoda hotel Naashablood 2, balse warbaahinta caalamka qaarkood ayaa tabinaya in dhimashdu ay ka badantahay 10 Ruux, halka dhaawacyadana ay gaarayaan kudhowaad 20 Ruux.
Hotelka la weeraray waxaa iska leh wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Maxamed Abuukar Islow.