Ducument sir ah oo ay heshay wakaaladda wararka Reuters ayaa muujinaya shahaadooyin dhimasho oo ay ku qoaranyihiin magacyada Askar Ruushka ka socoda oo ku dhintay dagaalka ka socoda Suuriya sagaalkii bilood ee aynu soo dhaafnay.
Magacyada wakaaladdu heshay waxay gaarayaan 131 Ruux, waxaana intooda ugu badan sida laga arkayo shahaadada ku qoran iney shacab yihiin, balse arintaas ayay shaki badan ka muujisay wakaaladda, waxaana loo badinayaa iney ahaayeen ciidamo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo aan si rasmi ah uga diwaan gashaneyn ciidanka Ruushka.
Qaar kamid ah dadka dhintay ee magacyadooda la helay waxay ahaayeen ciidamo howlgab ah, waxaana intooda ugu badan ay ku dhinteen dagaallo lala galay kooxaha Jihaadiga ee ka howlgala dalka Suuriya.
131 Askari ee Ruushka ah waxay ka barbard dagaallamayeen ciidamada Nidaamka Bashaar Al-Asad, waxaana lagu dilay gobollada Ximis, Xalab, iyo meelo kale.
Dowladda Ruushka ayaa sida ka muuqata waxay ka been sheegtaa tirada ciidamada ee looga dilo dagaallada ka socoda dalka Suuriya, waxaana sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ay qiratay in Suuriya looga dilay 16 Askari.
Arintan cusub waxaa laga yaabaa iney saameyn ku yeelato doorashada madaxtinimada oo shan bilood kadib ka dhici doonta dalka Ruushka, waxaana ay hoos u dhimi kartaa taageerada Faladamir Butin.
Reuters oo su’aal hordhigtay aqalka Karmalin ee looga taliyo Ruushka ayaana heli wax jawaab ah oo la xiriirta arinkan, waxaana Afhayeen u hadlay Ruushka uu s heegay ineysan waxba ka ogeyn warbixintan cusub.