Dad aad ubadan ayaa isugu tagay fagaare weyn oo ku yaalla Magaalada Saakow oo galinkii danbe maanta lagu fuliyay xukun xaddu rajmi dhagax dil ah.
Xukunkaan ayaa lagu fuliyay Haweenay laba nin isla guursatay.
28-kii bishii koowaad ee sanadkaan ayaa Maxkamad islaamig ah oo taabacsan xarakada Alshabaab waxaa dacwo gaystay Cali Ibraahim Cali oo soo dacweeyay Xabiibo Cali Isxaaq oo ahayd Afadiisa.
Ibraahim ayaa ku dooday in xabiibo Cali Isxaaq ay ahayd Xaaskiisa islamarkaana allaah uu kala siiyay 10 caruur ah oo laba kamid ah ay ka geeriyoodeen
Xabiib ayaa Guursatay Nin kale iyadoo kasoo tagtay Ninkeeda islamarkaana usheegtay inay ubaxayso Booqasho qaraabadeeda ah balse isku xirtay Nin kale.
Xabiibo oo qiratay Zinada ay ku dhacday ayaa lagu xukumay xukun dhagax dil ah waxaana faafaahiay mid kamid ah qudaada xarakada shabaabul Mujaahidiin.
Halkan ka Dhageyso Faafaahinta Xukunka.
Alshabaab oo katalisa goballo badan oo dhaca Soomaaliya ayaa marar badan fulisay xukunno kamid ah xuduuda allaah,