Sarkaal wasaaradda Maaliyadda qeybta waxa loogu yeero Canshuuraha ee Baadda ah ayaa lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.
Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Caddani, wuxuuna kamid ahaa Saraakiisha firfircoon ee ka shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka.
Rag hubeysan ayaa Sarkaalka ku dilay Tabeellaha Sheykh Ibraahim oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho inta aan la gaarin Garasbaallay.
Dilka Saraakiisha iyo Xubnaha la shaqeeya dowladda ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho.