HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo Weerar Ku qaaday Ciidamada Dowladda ee Afgooye.

Ciidamada Al-Shabaab Oo Weerar Ku qaaday Ciidamada Dowladda ee Afgooye.

Askarta Al-Shabaab

Ciidamo katirsan  Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus waxay ku qaadeen fariisin ciidamo katirsan dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saqdii dhexe ee Xalay ayaa ciidamo aad u qalabeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay weerareen ciidamo katirsan dowladda oo ku sugna buundada Yar oo ku taalla wadada Afgooye ka baxda ee aada dhanka magaalada Baydhabo.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la xaqiijiyay iney gaartay ciidamada halkaas lagu weeraray, balse ma hayno tirada dhabta ah.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo shalay galab kolonyo katirsan Ciidamada Shisheeye weerar jidgal ah oo aad u xooganaa kula kulmeen deegaanka Ceel-Wareegow ee u dhow magaalada Marka, waxaana dagaalkaas khasaare adag uu kasoo gaaray ciidamada Shisheeyaha.

Ciidamada Shisheeye ee kamiinka loo dhigay oo u socday magaalada Baraawe ayaa hakiyay socodkooda, waxaana markii noogu war dambeysay ay xalay ku hooyanayeen halkii uu Kamiinku ku qabsaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular