HomeAll newsInkabadan 10 Askari oo lagu dilay Weerar Nafhurnimo oo ka dhacay magaalada...

Inkabadan 10 Askari oo lagu dilay Weerar Nafhurnimo oo ka dhacay magaalada Kaabul ee dalka Afqaanistaan.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Camaliyad Istish-haadi ah waxaa lagu weeraray ciidamo katirsan xukuumadda taagta daran ee Kaabul ee u shaqeysa Shisheeyaha Maraykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afqaanistaan.

Naftii hure katirsan Imaarada Islaamiga oo kaxeynayay gaari miineysan ayaa bartamaha ka galay kolonyo gawaari ah oo siday ciidamo iyo saraakiil katirsan wasaardda gaashandhiga ee maamulka Kaabul.

Ugu yaraan 15 Askari oo saraakiil ay ku jiraan ayaa ku dhintay camaliyadan Istish-haadiga oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Kaabul, waxaana ciidamada la beegsaday ay markaas kasoo baxeen kulliyad milliteri oo uu tababar uga socoday.

Saraakiil katirsan wasaaradda gaashandhiga maamulka Kaabul ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda qaar katirsan ay dhinteen, kadib markii ay la kulmeen weerar nafhurnimo ah.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Dabiixullaahil Mujaahid oo qoraal kooban warbaahinta usoo diray ayaa sheegay in Imaarada Islaamiga ay mas’uul ka ahayd weerarka dhacay.

Talaadadii iyo Khamiistii aynu soo dhaafnay ee todobaadkii hore ayaa weeraro waaweyn oo Inqimaasiyo iyo Istish-haadiyo isugu jira waxay ka dheceen gobollada Baktiika iyo Qandahaar ee dalka Afqaanistaan, waxaana weeraradaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday kudhowaad 500 oo Askari oo dhamaantooda katirsan ciidamada xukuumadda Kaabul.

Imaarada Islaamiga ayaa sii xoojisay weerarada ka dhanka ah ciidamada Xukuumadda Kaabul, iyadoona sheegtay in arintaas ay kaga gol leedahay in ciidamadan la dareensiiyo halka ay gaarsiisantahay awoodooda, waxayna ugu baaqday iney towbad keenaan inta aysan soo gaarin gacanta Mujaahidiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular