HomeAll newsMaraykanka Oo Walaac Ka muujiyay Ciidamo Uu ku tababaray Dalkiisa Oo La...

Maraykanka Oo Walaac Ka muujiyay Ciidamo Uu ku tababaray Dalkiisa Oo La la’yahay.

Dowladda Maraykanka oo Ciidamo gaar ah oo ka socoda dalalka ay ku duushey ku tababarta dalkeeda si ay u noqdaan ciidamo ay ku kalsoontahay oo ka hoos shaqeeya ayaa walaac ka muujisay kororka tirada ciidamada marka la keeno Maraykanka ka dhuumanaya Shaqada.

Warbixin cusub oo kasoo baxday hay’aad hoostaga wasaaradda gaashandhiga Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ugu badan ee Tababarka ka dhuumanaya ay ka socodaan dalka Afqaanistaan.

Mas’uul sare oo Ameerikaan ah oo qeyb ah waxa loogu yeero dib u dhiska Afqaanistaan ayaa sheegay intii u dhexeysay sanadihii 2015 illaa 2017 ay xerooyinka Tababarka ee ku yaala Maraykanka ay ka carareen 32o Askari oo Ajnabi ah, kuwaas oo 152 kamid ah ay ka socoday dalka Afqaanistaan.

Wasaaradda dagaalka Maraykanka ayaa tirada goosaneysa ee shaqooyinka ka cararaya ku tilmaameyta mid sii kordheysa oo cabsi badan abuureysa, waxaana ciidamadan ay ka cararayaan in dib loogu celiyo dalalkooda oo ay ka socodaan dagaallo adag, taas bedelkeedana waxay jecelyihiin iney kamid noqdaan dadka caadiga ah ee ku nool Maraykanka.

Warbixinta cusub ee Maraykanka kasoo baxday ayaa lagu sheegay in arintan ay carqaladeyneyso diyaar garowga Xukuumadda Kaabul ciidamadeeda ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka dalkooda, waxaana ciidamadan goosanaya ee ku dhex dhuumanaya dalka Maraykanka ay sidoo kale halis amni ku yihiin Maraykanka sida warbixintu sheegtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular