HomeAll newsKudhowaad 60 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Masar Oo lagu dilay Al-Qaahira.

Kudhowaad 60 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Masar Oo lagu dilay Al-Qaahira.

Ciidamada Booliiska Xukuumadda Afgembiga Masaarida ayaa la kulmay weerar culus oo lagu gaarsiiyay khasaare culus, kadib markii ay isku dayeen iney xoog ku galaan goob la sheegay iney ku sugnaayeen rag hubeysan.

Iska hor imaadkan oo dhacay maalintii shalay oo Jimco ahayd saxaraha Al-Waaxaat oo 135KM kaga began koonfur galbeed magaalada caasimadda ah ee Al-Qaahira.

Inta haatan la hubo waxaa dagaalkaas lagu dilay 53 Askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsan Booliiska iyo Ciidamada Amaanka Xukuumadda Afgembiga Siisi.

Warbaahinta dowladda Siisi ayaa ka been sheegay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxayna sheegeen in dhimashadu ay mareyso 18 Ruux oo keliya, iyagoona intaa ku daray in dagaalyahannada halkaas joogay uu so gaaray khasaare adag.

Saraakiisha Amaanka Xukuumadda Siisi waxay sheegeen in kahor inta uusan weerarku dhicin ay heleen macluumaad la xiriira goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Sawaacidu Masar ee loo yaqaano Xasam, markii ciidamadu halka loogu sheegay dagaalyahannada ay aadeena waxay la kulmeen weeraro  dhabagal ah oo aad u cuslaa.

Dagaalyahannada ayaa adeegsanayay hubka culus, sida kuwa garbaha laga rido, waxaana wadooyinka oo dhan ku aaseen miinooyin farabadan oo mar qur ah ku qarxay.

18 kamid ah ciidamada ku dhintay dagaalkan waxay ahaayeen Saraakiil sar sare oo Nidaamka Sisii uu si aad ah ugu tashan jiray, waana dharbaaxsho kulul oo si lama filaan ah ugu dhacday Nidaamka Siisi iyo Laamihiisa Amaanka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular