HomeAll newsSawaariikh lagu tuuray dhulka Yahuudda ay xooga uga heysato Muslimiinta Filastiin.

Sawaariikh lagu tuuray dhulka Yahuudda ay xooga uga heysato Muslimiinta Filastiin.

Wararka ka imaanaya dhulka Filastiin ee Yahuudda ay xooga uga heystaan Muslimiinta Filastiin ayaa sheegaya in sawaariikh dhowr gantaal ah lagu tuuray mid kamid ah deegaannada Yahuuda lagu deegaameeyay.

Deegaanka Ashkuul oo ah deegaan u dhow Jiidda Qazza, ayna xoog ku deganyihiin dad Yahuud ah ayaa waxaa lagu tuuray labo saaruukh, oo ahaa kuwa waaweyn.

Afhayeen u hadlay ciidanka Yahuudda wuxuu sheegay in gantaaladaas laga soo tuuray gobolka Siinaa ee Masar, halkaas oo ay ka howlgalaan Jamaacaad Jihaadi ah.

Wuxuu Afhayeenkan u Hadley Yahuuda ka gaabsaday inuu faafaahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashey labadaas gantaal ee lagu soo tuuray, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular