Xilligaan waxaa Aad uhormaray Tiknolojiyada Casriga ah oo dabooshay baahi badan oo loo qabay in la baahiyo wararka iyo warbixinada ka baxa warbaahinta qeybaheeda kala duwan.
Dadka ku dhaqan Caalamka ayaa umuuqda kuwa kusii xirmaya baraha Bulshada oo u sahlaya si fudud inay ku gudbiyaan Fikirkooda halkii ay raadin lahaayeen idaacada Ama Tv-
Taleefishinada caalamiga ah iyo idaacadaha ayaa xoogga saaray in wararkoodu ay noqdaan kuwa baahintooda ku hormara baraha Bulshada taasi oo keenaysa in dhagaystaha ama daawadaha heli kara Internet uu ka hor helo wararka dadka suga xiliga ay idaacadaha ama Tv-yada ka baxaan wararka iyo Barnaamijyada.
Idaacadda islaamiga ah ee Alfurqaan oo ay ku xiran yihiin Dad badan oo dibadaha ku dhaqan maqalka idaacaduna gaarin ayaa fadhiyo ku yeelatatay Baraha Bulshada sida Whats-apka iyo Imo.
Idaacadda oo la jaan qaadaysa Horumarkaasi Tiknolojiyada ay gaartay ayaa wararka ku baahisa barahaasi oo durbadiiba ay isku xireen dad badan oo ku dhaqan dhulalka ay kataliyaan maamulada soomaaliya ka jira iyo qurba joogta oo in badan dhagahooda lagu afuufo macluumaad xaqiiqda ka fog oo ku saabsan dalkooda.
Barnaamijka dhuuxa ee xalay ka baxay idaacadda ayaa lagu soo qaatay sida dadka ay u arkaan adeegyada soo kordhay.
Dadkaan oo ku sugan Gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa si diiran usoo dhaweeyay adeegyada lagu baahinayo wararka degdega ah iyo Barnaamijyada ka baxa Idaacadda.
Adeegyadaan ayaa sabab unoqday in idaacaddu la hadlaan dad badan oo udhuun daloola waxa ka socda Soomaaliya.
Dadka qaar ayaa sheegay in sanado badan ay dhagaystayaal u ahaayeen idaacadda Alfurqaan haatana loo sii sahlay xeriirka tooska ah oo ay la leeyihiin raadiyaha.
Halkan Ka Dhageyso Aragtida Dadweynaha Adeegyada Idaacadda