HomeAll newsItoobiya oo Dishey Kudhowaad 10 Ruux oo Katirsan Muslimiinta Oromada.

Itoobiya oo Dishey Kudhowaad 10 Ruux oo Katirsan Muslimiinta Oromada.

Bartamaha dalka Itoobiya waxaa weli ka socoda banaanbaxyada ay dhigayaan Muslimiinta Oromada, kuwaas oo kasoo horjeeda qoyska Tigreega ee maamulka talada dalkaas.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay illaa iyo maanta waxaa dalka Itoobiya gaar ahaan gobollada ku dhow Adis Ababa oo ah caasimadda Itoobiya ka socoda banaanbaxyo ay dhigayaan dadka Muslimiinta, kuwaas oo kasoo horjeeda dowladda Itoobiya.

Dadka waxay codsanayaan in isbedel maamul lagu sameeyo dalka, islamarkaana talada laga tuuro dadka hadda maamulaya.

Ciidamada Itoobiya ayaa adeegsanaya awood xad dhaaf ah, waxaana Rasaas nool nool ay la dhacayaan dadka Muslimiinta, iyagoo doonaya in banaanbaxyadu joogsadaan.

Ugu yaraan 8 Ruux oo katirsan Muslimiinta Oromada ayaa dhintay, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo dhaawacmay.

Dadka ayaa weli sii wata banaanbaxyada ay dhigayaan, mana cabsi gelin dadka laga dilay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular