HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo Weerar ku Qaaday Bariire.

Ciidamada Al-Shabaab Oo Weerar ku Qaaday Bariire.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Bariire, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo Soomaali ah oo ay tababartey dowladda Maraykanka.

Dagaalka oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire, waxaana lasoo sheegayaa khasaare inuu jiro.

Mid kamid ah garneellada garbaha laga rido ee ay adeegsanayeen ciidamada Mujaahidiinta ayaa u dhacay gaari Taw ah oo ay lahaayeen ciidamada Soomaalida ee Maraykanka u shaqeeya, taas oo keentay inuu durba halkaas ku burburoo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa gaaray ciidamada dowladda ee lagu weeraray Bariire, walow tafaasiil rasmi ah aan laga helin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular