HomeAll newsSarkaal katirsan Booliiska Maraykanka Oo lagu toogtay gobolka Texas.

Sarkaal katirsan Booliiska Maraykanka Oo lagu toogtay gobolka Texas.

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa xaqijinaya in sarkaal sare oo katirsan booliiska gobolka Texas lagu toogtay dalka Maraykanka.

Sarkaalka la toogtay oo kamid ahaa saraakiisha booliiska magaalada Loback ee gobolka Texas ee wadanka Maraykanka waxaa toogtay qof kamid ah ardeyda jaamacadda gobolka Texas.

Ardeyga toogashada geystay ayaa waxaa kahor toogashada lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya, waxaana markii saldhiga la geeyey uu mid kamid ah Askarta ka dafay bastoolad uu watay, isagoona la dhacay sarkaalka oo agtiisa joogay.

Dhowr xabadood ayuu madaxa kaga dhuftey Sarkaalka, taas oo keentay in durba halkaas uu ku quur baxo.

Markii uu dilka geystay kadib ayuu goobta ka cararay, waxaana saacado la raadinayay kadib gacanta kusoo dhigay ciidamada Booliiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular