HomeAll newsCiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Askar badan ku diley Boosaaso.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Askar badan ku diley Boosaaso.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay weerar ku qaadeen bar kontorool oo ku taalla iridka laga soo galo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Weerarkan oo shacy 12:00 habeenimo, waxaa uu socoday in muda ah, iyadoona markii dambe ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleysteen iney guud ahaanba la wareegaan barta kontorool.

7 Askari oo katirsan maamulka Puntland ayaa lagu  dilay dagaalka, iyadoo 11 kalena lagu dhaawacay, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray ciidamo gurmada ahaa oo kasoo baxay Boosaaso, kuwaas oo ku dhacay weerar Jidgal ah.

War kasoo baxay taliska milliteri ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan iyo khasaaraha gaaray ciidamada maamulka Puntland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular