HomeAll newsGudoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya Oo Iscasiley.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya Oo Iscasiley.

Abadula Gemeda oo ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Xabashida Itoobiya ee fadhigiisu yahay magaalada Adis Ababa ayaa iska casiley xilkaas, isagoona ka hadlay sababta ka dambeysa tallaabadaas uu qaatay.

Gemeda ayaa sheegay sababta uu xilka isaga degay iney tahay gumaadka Ciidamada Milliteriga Itoobiya kawadaan gobolka Oromada degaan ee kaabiga ku haya magaala madaxda dalkaas.

Wuxuu dowladda Itoobiya iyo ciidamadeeduba ku eedayay iney si xun u gumaadeen qowmiyada uu kasoo jeeda ee MUslimada ah taas oo ah nisbada ugu badan ee degta dalka Itoobiya.

Wargeys kasoo baxa dalka Itoobiya ayaa daabacay iney fashilmeen isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in Abdulle Gemeda loogu qanciyo inuu sii hayo jagada gudoominta Baarlamaanka, balse uu iska diiday arintaas.

Gemeda ayaa hayay jagadan muda dheer, wuxuuna kamid ahaa dadka sida adag ugu shaqeeyay gumeysiga maamulka TIgreega ee maamulka dalka Itoobiya.

Is casilaadiisa waxaa laga yaabaa iney ku daydaan xillibaano badan iyo saraakiil katirsan dowladda Itoobiya oo asal ahaan kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular