HomeAll newsDhageyso:Afar Askari oo kasoo goostay Jubba land oo Lagu soo Bandhigay Jilib.

Dhageyso:Afar Askari oo kasoo goostay Jubba land oo Lagu soo Bandhigay Jilib.

Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka waxay wali soo dhaweyneysaa Askarta kasoo goosta Maamulka uu madaxda uyahay Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Magaalada Kismaayo.

Wilaayada ayaa shalay Jilib kusoo bandhigtay afar askari oo sanado la shaqeynayay Jubbaland.

Maxamed Isxaaq Nuur,Xasan Nuur Xuseen,Xasan Abeyle Xoosh,iyo Cumar Yuusuf Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kamid ahaayeen rag si xoog ah loo ciidameeyay kadib markii ay kamid noqdeen dad laga raafay Kismaayo.

Markii ay dhameesteen Tababarka oo ay bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayay sheegeen in loo qaaday Buulo gaduud iyo Cabdala Biroole ee dulleedka Kismaayo.

Eheladooda iyo odayaal ku heyb ah askartaan ayaa fududeeyay inay kasoo baxaan safka shisheeyaha islamarkaana isku dhiibaan Mujaahidiinta Alshabaab.

Waxay ka sheekeeyeen sida loo ciidameeyay iyo mudada tababarka ay qaateen.

Halkaan Ka Dhageyso Codadka Askarta.

Si kastaba ha ahaatee Bishaan Muxaram ayaa in ka badan 10 Askari oo katirsanaa Maamulka Jubaland waxay isku dhiibaan wilaayada Jubooyinka, waxaana Muuqata in weerarkii Buulo gaduud kadib ay kala firxanayaan ciidamada ka badbaaday weerarkaasi.

(rugratsva.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular