HomeAll news3 Askari Oo Ameerikaan ah Oo lagu dilay Xuduuda Maali iyo...

3 Askari Oo Ameerikaan ah Oo lagu dilay Xuduuda Maali iyo Nayjar.

Wararka ka imaanaya dalka Maali ee dhaca qaaradda Africa ayaa xaqiijinaya in ciidamo Maraykan ah lagu dilay weerar ka dhacay xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Maali iyo Nayjar.

Ciidamo katirsan dowladda Nayjar oo ay la socdeen kuwa Ameerikaan ah ayaa maalintii shalay waxay iyagoo ku guda jira Roondo ay ka sameynayeen deegaannada Xuduuda waxay la kulmeen weerar Dhabagal ah oo khasaare adag gaarsiiyay.

Inta aatan la hubo waxaa weerarka Kamiinka ku dhintay 3 Askari oo Maraykan ah halka ay dhaawacmeen 2 kale, waxaana khasaaraha uu u badnaa ciidamada Maraykanka oo keliya.

Sarkaal Ameerikaan ah  oo diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa xaqiijiyay dhimashada ciidamadan iyo dhaawaca tirada kale.

Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Africa magacoodana loo soo gaabiyo Africom ayaa xaqiijiyay inuu jiro weerarka ay ciidamadooda la kulmeen, balse waxay ka gaabsadeen iney faafaahin dhameystiran ka bixiyaan khasaaraha gaaray.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular