HomeAll newsCiidamada Dowladda oo qof shacab ah Ku gubay Bariire.(Maqal+Sawiro)

Ciidamada Dowladda oo qof shacab ah Ku gubay Bariire.(Maqal+Sawiro)

Cabduqaadir Axmed Busuri waxa uu ahaa Nin xoogsata ah oo ka shaqeysan jiray magaalada Bariire ee gobalka shabeelaha Hoose.

Cabduqaadir ayaa kasoo laabtay Dalka koonfur Afrika,wuxuuna mooto kaga shaqeysan jiray Magaalada Bariire.

Ciidamada dowladda ayuu isku sheegay inuu yahay qof ku shaqeysta mooto bajaaj, waana ay ku ogaayeen howshiisa.

Ninkaan ayaa waxaa six un udilay ciidamada dowladda oo ka caraysan xasuuqii dhawaan loogu gaystay bariire.

Sadax xabad ayay ku dhufteen kadibna  Qaarka danbe jirkiisa ayay gubeen sida idaacadda alfurqaan uu usheegan nin la dhashay wiilka la dilay.

Waxa uu sheegayaa raga dilay walaalkooda  ay garanayaan balse aysan jirin cid cadaalad ku dhaqmaysa oo usoo qabanaysa.

Maydka wiilkooda ayay ugeeyeen dowladda iyagoo raja ka qaba in cadaalad ay helaan balse waa lagu jees jeesay.

Dhageyso Nin la dhashay Ninka Lagu dilay Bariire.

Hoos Ka Daawo Sawirka Ninka La dilay oo ay heshay Alfurqaan.

Waa xiligii uu shaqeysan jiray.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular