Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka aroornimadii hore waxay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Maraykanka u shaqeeya.
Dagaalka oo dhacay Aroornimadii hore saaka ayaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana Jugta hubka culus laga maqlayay nawaaxiga deegaanka Bariire.
Ugu yaraan inta haatan la hubo hal Askari oo katirsan ciidamada dowladda ee Bariire joogay ayaa ku dhintay dagaalka.
Maalmihii tagay dhowr mar ayay Ciidamada Mujaahidiinta weerar ku qaadeen deegaanka Bariire oo 29-kii bishii aan soo dhaafnay marti gelisay weerar culus oo ay qaadeen ciidamo katirsan Mujaahidiinta, kaas oo lagu xasuuqay kudhowaad 100 Askari oo katirsan Ciidamada Soomaalida ee Maraykanka ku shaqeysta.