Rag hubeysan ayaa goordhow maxay magaalada Muqdisho ku toogteen Sarkaal sare oo katirsan dowladda federaalka.
Sarkaalka la toogtay ooo Saddex Xidigle ahaa ayaa katirsanaa Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka.
Rag hubeysan ayaa goordhow ku diley xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.
Waa Sarkaalkii labaad oo wax kayar 48-saacadood gudahood lagu dilo magaalada Muqdisho, xalay unbey ahayd markii rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay degmada Wadajir ee Muqdisho ku toogteen Maxamed Yare oo ahaa Gaashanle dhexe oo katirsan milliteriga dowladda.