Dalka Mexico waxaa laga soo sheegayaa inuu ku dhuftay dhul gariir xoog leh kaas oo geystay khasaare isugu jira mid nafeed iyo burbur xoog leh.
Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta gurmadka deg dega ee dowladda Mexico, waxay dhimashadu mareysaa 224 Ruux, oo 21 kamid ay yihin caruur da’ yar.
Tobanaan Guryo ayaa burburay, waxaana hay’adaha gurmadka deg dega ay wadaan baaritanno lagu doonayo in dadka meydadka ah laga soo saaro burburka guryaha.
Waa dhul gariirkii ugu xooganaa ee maalmahan ku dhufta dalkan, iyadoona dhul gariiradu ay yihiin kuwa ku badan.