Jamaacada Ictisaam oo ku hor kuftay shacabka Soomaaliyeed ayaanan wali ka daalin iney duraan la halganka shisheeyaha kusoo duulay wadanka.
Nadwo ay kasoo muuqanayaan sadax iyaga kamid ah ayaa waxaa lagu weydiinayay su’aalo xaaladda dhabta ah ee Muslimiinta ka tarjumaya iyo sida ay wadaaduhu u gabeen doorkooda.
“Mar haddii aad jihaadkii ummada ka rideen islamarkaana la gumeysanayo dalalka muslimiinta maxaa xal ah” waxay kamid ahayd su’aalihii wadaadaha la weydiiyay, waxayna uga jawaabeen inaanan la gumeysan dhulka muslimiinta, sidoo kalana aanan la iska dhicin karin shisheeyaha.
Haddaba idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa culimo u bandhigtay arrintan, waxaana ay ka diyaarisay warbixin, aad ka degsan kartaan qeybta hoose.