Ciidamo hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka waxay la wareegeen gacan ku heynta isgoyska Kala-beyrka oo dhaca duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysnaa ayaa dagaal in muda ah socoday waxay la galeen ciidamadii halkaas ku sugnaa, kuwaas oo markii dambe awoodi waayay iney is difaacaan, kuna qasbanaaday iney goobta ka cararaan.
Dad Xog Ogaal ah oo Idaacadda Al-Furqaan la hadlay waxay sheegeen in Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah oo ku jiray saldhiga deegaanka Kala-Beyrka.
Isgosykan waxaa ku yaala Isbaaro weyn oo ay soo dhigteen ciidamada dowladda ee dadka shacabka ah dhibaateeya, waxaana maanta gaaray khasaare nafeed iyo mid hanti intuba, waxaana deegaankan uu inkabadan 20 KM u jiraa magaalada Baladweyne.