HomeAll newsDagaallo Saaka Ka socoda Magaalada Muqdisho.

Dagaallo Saaka Ka socoda Magaalada Muqdisho.

Waaberigii Saaka waxaa magaalada Muqdisho ka billowday dagaallo culus oo u dhexeeya Ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeyso dagaalkooda.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa Xalay waxay isku hareerayeen saldhig ciidamo katirsan milliteriga dowladda ay ku leeyihiin degmada Hodan gaar ahaan Xaafadd Soonakey, waxaana saaka billowday dagaal culus.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee lagu weeraray Hodan oo Warbaahinta Muqdisho la hadlay wuxuu sheegay in ciidamada Weerarka kusoo qaaday ay ku amreen iney hubka dhigaan, iyaguna tallaabadaas ay ka biya diideen, waxaana uu ku hanjabay iney is difaaci doonaan.

Rasaasta ciidamada dowladda ay is dhaafsanayaan waxay waxyeelooyin kala duwan gaarsiisay dadka Shacabka ah oo aroornimo hore lagu kor dagaallamay.

Dagaalka ayaa weli socoda, waxaana Xabadda ay u muuqataa mid teel teel ah oo sii dhamaaneysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular