HomeAll newsTaliyihii Ciidamada dowladda Ee Magaalada Ceelbuur oo Isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Taliyihii Ciidamada dowladda Ee Magaalada Ceelbuur oo Isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Laba Xidigle Cabdullaahi Maxmuud Cali oo loo yaqaano Cabdullaahi Jareer ahaana taliyihii guud ee ciidamada dowladda ee Itoobiya ku wehlinayay duulaankii Xabashidu kusooo qaadeen magaalada Ceelbuur ayaa isku soo dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xaflad si aad ah loo soo agaasimey oo lagu soo dhaweynayay Sarkaalkan towbad keenka ah oo ay la socodeen Xaaskiisa iyo caruurta uu dhalay ayaa ka dhacday magaalada Galhareeri ee Wilaayada Islaamiga ee Galgaduud.

Cabdullaahi oo Warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay inuu isaga towbad keenay falkii uu ku dhacay oo uu ku tilmaamay Gaalnimo, isagoona sheegay inaanu mar dambe ku laaban doonin.

Ciidamada dowladda iyo Saraakiisha ciidamad ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay kasoo qul qulayay safka dowladda iyo Shisheeyaha, iyagoona isku soo dhiibayay maamullada Islamiga ee mujaahidiintu ka hirgeliyeen koonfurta iyo bartamaha  Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular