Afhayeenka howlgallada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Cabdil Casiis Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay in weerar Nafhurnimo oo maanta ka dhacay xarunta maamulka magaalada Baladweyne ay ku dileen ciidamo isugu jira Jabuutiyaan iyo kuwa Soomaali ah.
Abuu Muscab ayaa xaqiijiyay in 6 Ruux oo isugu jira ciidamo Jabuutiyaan iyo Soomaali ay ku dileen howlgalkan Istish-haadiyada ah .
Saraakiil sar sare oo katirsan maamulka HirShabeelle ayaa ku dhaawacmay qaraxan Nafhurnimada ah waxaana kamid ah sida ilo Xog Ogaal ah ay ku waramayaan Cabdullaahi Kacaan oo ah madaxa maaliyadda gobolka Hiiraan.
Dhanka kale Ciidamada Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta waxay madaafiic ku garaaceen ciidamada Shisheeyaha ee saldhiga ku leh xarunta Stadium ee magaalada Muqdisho.
Illaa 7 Madfac ayaa gudaha u gashey xaruntaas oo dhowr sano ay deganyihiin ciidamada Shisheeyaha, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare lixaad leh.
(Zolpidem)