War-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan waxay idiin soo gudbineysaa barnaamij gaar ah oo ku saabsan tallaabadii ay dowladda Federalku ay Itoobiya ugu hibeysay muwaadin Soomaaliyeed, taasoo keentay in dadkii markii hore ku sirmay taageeridda Farmaajo ay calankiisa gubaan.
Dad badna oo ka qeyb galay barnaamijka, ayna kamid yihiin siyaasiyiin, indheer garad iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka caalamka qaar ayaa waxaa kasoo baxday natiijo ah in wadanku aanu madax bannaanyn, dadka qaar ayaa la ooyay sida ay dowladda Federalku maanta u sahashay in Soomaalida la dulleysto.