HomeAll newsMuwaadiniin Mareykan ah oo kamid ah dadkii ku dhintay weeraradii Talaadada ee...

Muwaadiniin Mareykan ah oo kamid ah dadkii ku dhintay weeraradii Talaadada ee Brussales.

maelbeek-m-afp_0_0Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmiga ah ee looga dilay weeraradii maalintii Talaadada ka dhacay caasimadda dalka Biljim ee Brussales, kuwaas oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u xaqiijiyey in tirada guud ee dadka Ameerikaanka ah ee ku dhintay weeraradii Biljimka ay gaarayaan illaa 4 ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen haweeney iyo nin is qabay.

Tirada guud ee dadka ku dhintay weerarada Brussales ayaa illaa iyo hadda waxay gaareysaa 31 ruux, kuwaas oo kasoo jeeda Jinsiyado kala duwan, waxaana dhaawacyadu ay marayaan 340 ruux oo qaarkood ay halis yihiin.

Weeraradaas waxaa sheegtay dowladda Islaamiga ah oo ku hanjabtay kuwa hor leh hadii Reer galbeedku joojin duqeymaha ay ku hayaan dadka Muslimiinta ah.

(Valium)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular