Baarlamaanka oo ah hey’adda dowladda u qaabilsan xalaaleynta iyo xaaraantinimeynta ayaa maalintii shalay ansixiyay sharciga Isgaarsiinta oo uu muddo badan muran ka taagnaa.
Sharcigan oo uu horgeeyey wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur ayaa waxaa u codeeyey 158 xildhibaan, hal xildhibaana waa uu diidey sida uu sheegey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.
Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tecnology-yada ee DF Cabdi Canshuur ayaa si farxad leh usoo dhaweeyay sharciga isgaarsiinta ee ay Baarlamaanku ansixiyeen.
WAA MAXAY UJEEDADA SHARCIGAN?
Dhaqan galinta sharciga isgaarsiinta ayaa waxaa laga leeyahay ujeedooyin fog-fog oo ay faa’iidada ugu weyn ka helayaan hey’adaha sirdoonka Mareykanka ee fadhigoodu yahay Xalane iyo kuwa DF.
Wasiirku wuxuu sheegay in sharcigu uu ka hadlayo furaha lagu woco Soomaaliya ee 252, astaanta internetka Soomaaliya ee .SO iyo arrimaha amniga isgaarsiinta, tusaale ahaan in qof kasta oo leen taleefoon cusub qaadanaya ama horey u heystey ay waajib tahay in la diiwaangaliyo si daba-gal loogu samayn karo goortii loo baahdo.
Sharcigan ayaa meesha ka saaraya madaxbannaanida ganacsiga xorta ah ee magaalada Muqdisho, waxaana uu shirkadaha ka dhigayaa kuwa ku jira jeebka dowladda federalka ah oo sidi la doono loogu shaqeysto.
Dowladda federalku waxay dooneysaa iney sida C/wali Gaas oo kale sameysato lacago, si ay taa u dhaqan gashana waxay diraaseysay ineysan suura gal noqon karin illaa ay ka joojiso lacagaha la isugu xawilo taleefanada si dadku ugu baahdaan lacag badan oo xaashi ah.
Inkastoo ay arrintan diidmo ka sameyn karaan shacabka iyo ganacsatada ayaa waxay haddana dowladdu u mareysaa oo ay dadka u sheegeysaa iney kula dirireyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sharciga isgaarsiinta wuxuu dowladda u sahlayaa iney keento shirkado ajnabi ah oo la tartama kuwa Soomaalida, Horay waxay dowladdu u keentay shirkado duulimaad sida Turkish iyo kuwa kale, kuwaasoo khadka ka saaray shirkadihii dayuuradaha ee Soomaalida.
DAGAAL KA DHAN AH GANACSIGA MUQDISHO.
Arrintan waxay kusoo aaday iyadoo 21kii bishii lasoo dhaafay ay jariidada Indian Ocean Newsletter ee faafiya wararka sirdoonka oo lagu magacaabo Africanintelligence.com, ay daabacay warbixin ciwaan looga dhigay dagaalka adag ee ay la kulmeyso dowladda iyo walaaca Beesha Caalamka. Taasoo micnaheedu yahay in ganacsiga xorta ah uu dhib ku hayo.
Warbixinta lagu qoray wargeyska ayaa lagu sheegay in Ra’iisul-wasaaraha uu sadax dib lumaasi kulan kula yeeshay Soomaaliya kaasoo looga hadlay laguna dhaawacay sumcadda ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen hogaamiyaha Hormuud Axmed Yuusf, Cabdirashiid Ducaale Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf Salaam Bank.
Labo maalin uun kaddib markii ay soo baxay warbixinta wargeyska, ayaa waxaa dhacday in hey’addaha ammaanka ee dowladdu ku dhawaaqaan awaamiir culus oo ka dhan ah Ganacsatada, iyagoo ku eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Warbixinta lagu qoray jaraa’idka iyo amarada ka soo baxay hey’adaha ammaanka ee ka dhanka ah Ganacsatada ayaa shaki weyn keenay, marka la eego sida warbixintu u qorneyd, eedeymaha ganacsatada loo jeedinayay iyo maalmo kaddib go’aanadii ka soo baxay hey’addaha ammaanka. Waxaana taas sii kaabay sharciga isgaarsiinta ee ay baarlamaanku ansixiyeen maalintii shalay.
SHISHEEYE MAKU LUG LEEYAHAY CULEYSKA GANACSIGA LA SAARAYO?
Haddaba 8-qodob oo uu todobaadkii lasoo dhaafay Bankiga adduunka usoo jeediyay DF ayaa waxaa ku jiray qodob ku talinaya in culeys la saaro shirkadaha isgaarsiinta islamarkaana canshuur adag laga qaado, waana qodobka lixaad kaasoo u qornaa sida tan:
Bangiga adduunka waxaa uu qabaa in karaka ku hadalka ay dowladda ka qaado canshuur dhan 5-10%, haddii sidaasi la sameeyo dowladdu waxaa ay ka maarmi doontaa bey yiraahdeen, wax ka badan $5 Milyan ee ay hadda ka hesho isgaarsiinta.
Muddo aad u dheer ayaa la karkarinayay hir galinta sharciga isgaarsiinta, waxaana haatan ku guuleystay inuu baarlamaanka marsiiyo wasiirka wasaaraddaas Cabdi Canshuur Xassan.
WAA KUMA WASIIRKA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA CABDI CANSHUUR?
Cabdi Canshuur waxa uu marar badan ku cel-celiyay in ay amni ahaan uga faa’iideysanayaan isgaarsiinta, waayo muddo aad u dheer ayaa waxa uu la shaqeynayay hey’adaha sirdoonka caalamiga ah.
Sadax sano ka hor inta aanan xilkan loo magacaabin waxa uu madax ka ahaa xarun BS-ta Muqdisho hoos tagta oo dadka lagu tacdiibiyo iyo xarunta dhaqan celinta oo ay dadka qaar u yaqaanaan DHAQAN DOORINTA.
Lama oga sida uu ku dhaqan gali karo sharcigan, waxaana horay u jiray maamullo kasoo hor jeestay sida Puntland iyo kuwa kale.
SAWIRKA WASIIRKA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA