9-Neef oo Geel ah ayaa ku geeriyootay duqeymo ay dayuuradaha dagaalka Kenya maalintii shalay ka geysteen degaanka Weel-maarow oo hoos taga degmada Af-madow ee gobolka Jubada hoose.
Geelan ayaa waxay dayuuraduhu la beegsadeen madaafiic tiro badan, waxaana mid kamid ah dadka degaanka oo aanu xalay wareysanay uu inoo sheegay iney ku geeriyoodeen 8 Neef, 3 kalana ay ku dhaawacmeen, balse saaka oo aan dib ula xiriirnay degaanka ayaa waxaa la inoo xaqiijiyay in neef kale uu u dhintay dhaawaca, taasoo tirada ka dhigeysa 9 dhimasho ah.