HomeAll newsKenya oo Dhabbaha Saartay Rabshadihii dhacay sanadkii 2007 Oo Kale.

Kenya oo Dhabbaha Saartay Rabshadihii dhacay sanadkii 2007 Oo Kale.

Boqollaal katirsan Taageeriyaasha Raila Odinga ayaa isugu soo baxay magaalooyin kala gedisan oo katirsan dalka Kenya, kuwaas oo muujinaya sida ay uga careysanyihiin hannaanka ay wax u socodaan.

Magaalooyinka Nairoobi,  Kasuma iyo Nalo ee dalka Kenya waxaa laga soo sheegayaa in dad careysan iyo Ciidamada Booliiska ay isku dheceen, inkastoo weli la sheegin khasaare Nafeed.

Dadka Careysan ee taageerayaasha u ah Raila Odinga waxay wadooyinka ku gubeen Taayeerada Baabuurta, iyagoona ku dhawaaqaya Erayo ay ku muujinayaan ineysan ku qanacsaneyn tirinta Codadka.

Raila Odinga oo War fidiyeennada la hadlay waxa uu sheegay mar kale inaanu ku qanacsaneyn habka ay wax u socdaan, isagoona intaa ku daray in la jabsaday Computerada iyo Systemka Electronica ee cod bixinta.

Uhuru Kenyatta ayaa heysta Codad gaaraya %54.32, halka Raila Odinga uu heysto tiro aad u yar oo gaareysa %44.80.

Waxaa muuqaneysa in Kenyaatigu ay cagta saareen wadadii sanadkii 2007, waxaana Rabshadahan oo billow ah la filayaa iney kusii fidaan dhamaan magaalooyinka dalka Kenya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular