
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay askarta Burundi ku leeyihiin degaanka Cali-fool-dheere oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.
Weerarkan oo dhacay habeenkii xalay ayaa waxay wararku sheegayaan in si gaar ah loo beegsaday difaacyada askarta shisheeye, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud.
Illaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dorraad ayay ahayd markii Askarta Burundi gaari xamuul ah looga gubay nawaaxiga degaankan, iyadoo maalintii kasii horeysa laga gubay labo gaari.
Askarta Burundi ayaa waxaa usbuucan kaliya Sh/dhexe looga dilay in ka badna toban askari, waxaana muuqaneysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sii laba jibaartay weerarada ka dhanka ah askartaasi.