HomeAll newsSaldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Mandera oo la weeraray.

Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Mandera oo la weeraray.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar ku qaadeen mid kamid ah saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Mandheera ee ku jira gumeysiga mudada fog.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday saldhigan oo ku yaala deegaanka Lafey ee gobolka Mandheera, waxaana halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada  Kenyaatiga.

Dagaalka oo ahaa mid culus, waxay Ilo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen in lagu dilay laguna dhaawacay tiro katirsan ciidamada Kenyaatiga.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaalkan ku gubeen gawaari dagaal, iyagoona soo qaniimeystay gawaari  kale iyo saanad milliteri.

Warbaahinta Kenya ayaa saaka aad u hadal heysa weerarkan khasaaraha ka dhashay ee ka dhacay Lafey, waxaana uu imaanayaa maalmo kahor iyadoo lagu wado in dalkaas ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular