Gelinkii dambe ee shalay ayaa weerar culus waxaa lagu qaaday kolonyo ciidamo Ameerikaan ah oo ku safrayay gobolka Qandahaar oo dhaca koonfurta dalka Afqaanistaan, kana mid ah gobollada ay sida aadka ugu xooganyihiin Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan.
Weerarkan oo ahaa camaliyad Istish-haadi ah oo si aad ah loo soo qorsheeyey islamarkaana hadafkii laga lahaa laga gaaray ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Shooraandaam oo hoos yimaada magaalada Qandahaar ee caasimadda gobolkaas.
Istish-haadiga ayaa gaariga uu kaxeynayay wuxuu ku dhuftay tiro gawaari ciidamo Ameerikaan ah, waxaana goobta ka dhashay khasaare baaxad leh oo soo gaaray ciidamada Maraykanka.
Sheykh Qaari Yuusuf Axmadi, Afhayeenka Imaarada Islaamiga oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah wuxuu xaqiijiyay in howlgalkaas ay ku dileen 15 Askari oo Ameerikaan ah, iyadoona Istish-haadigu uu bas beeliyay labo Taangi oo ay ciidamada Maraykanku wateen.
Isabheysiga NAATO ee ku duulay dalka Afqaanistaan sanadkii 2001 ayaa war uu soo saaray wuxuu ku xaqiijiyay in ciidamadooda ay weerar la kulmeen, waxayna qireen in khasaare uu jiro balse way ka gaabsadeen inay tiro cayimaan.
Rag isticmaala baraha bulshada ee Internetka kana ag dhow Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan ayaa baahiyay sawirka Istish-haadiga weerarka fuliyay oo magaciisa lagu sheegay Asadullaahi Qandahaari.
Camaliyadan ayaa qeyb ka ah howlgallada Al-mansuuriyah oo sanadkan si wanaagsan uga socoda dalka Afqaanistaan, waxaana dowladda Maraykanka sanado kooban oo ay isku dayday iney yareyso khasaaraha kasoo gaaraya dagaalka Afqaaanistaan ay iminka wajaheysaa weeraro lamid ah kuwii 2008 illaa 2012 ku qabsaday dalka Afqaanistaan.

Allaah shahaada ha uga dhigo, Allahayoowu dambi dhaaf Asadullaah. Allahayoow jannooyinkaaga ku marti qaad.